Cilmi-baarista oo kooban
Xarunta “ Xayaat” ee Cilmi-baarista iyo Tababbarada Hogaamineed ayaa soo bandhigtay cilmi-baaris ku saabsan “saameynta COVID-19 ku yeeshay waxbarashada asaasiga iyo midda sare ee Soomaaliya”; gaar ahaan Gobolka Banaadir. Cilmi-baaristaan oo ladiyaariyay 29Maarso ilaa 15Julaay 2020 ayaa waxaa xog laga uruuriyay 274 maamule oo ka howl-gala Gobalka Banaadir, ahna muunad laga qaatay 942 Iskool oo ku yaal Gobalka Banaadir. Maamulayaasha ayaa waxaa la waydiiyay 6 suu’aalood oo ka jawaabayay saameynta dhabta ah ee gaartay waxbarashada asaasiga iyo midda sare waxayna kala ahaayeen: 1. ilaa heerkee ayuu COVID-19 saameyn dhaqaale ku yeeshay Iskoollada. 2. Saameynta COVID-19 ku yeeshay waxqabadka maamullada Iskoollada. 3. Inta uu la egyahay dhibka soo gaaray macallimiinta. 4. Sida COVID-19 u saameeyay howlaha waxbarashada ardayda. 5. Manhajka waxbarashada iyo sida COVID-19 u saameeyay. 6. Saameynta COVID-19 ku yeeshay Bii’ada waxbarashada
Natiijada ka soo baxday cilmi-baarista
Cilmi-baaristaan oo laga shaqeeyay ku dhawaad 4bilood ayaa waxa ka soo baxay qodobada soo socda:
1. COVID-19 wuxuu saameyn ballaaran oo dhanka dhaqaalaha, waxqabadka maamulka, ardayda, macallimiinta iyo manhajka ku yeeshay waxbarashada asaasiga iyo midda sare.
2. 91% Iskoollada ku yaal Gobalka Banaadir waxay ku tiirsanyihiin dhaqaalaha ay ka helaan ardayda, halka tiro yar oo ka tirsan Iskoolladaas ay maalgaliyaan Dowladda, Hay’ado gudaha iyo kuwo caalami ah.
3. Kahor COVID-19, qiyaastii $10, 000 ayaa Iskool kasta soo gali jirtay biskasta
4. Iskoollada Gobolka Banadir waxay khasaareen 87% dhaqaalaha kor ku xusan. Iskoolladu waxay bilkasta khasaareen sideed milyan boqol sagaashan iyo shankun iyo afar boqol oo doolar $8,195,400, halka 4bilood (Maarso-Juun) ay khasaareen soddon iyo labo milyan toddobo boqol siddeetan iyo kow iyo lix boqol $32,781,600
5. Iskoolladu ma aysan laheyn wax qorsho ah oo ay uga hortageen COVID-19
6. Qiyaastii 226,896 arday ayaa waxbarasho la’aan ku dhacay intii uu jiray COVID-19
7. Qiyaastii 4,110 oo macallimiin ah ayaa shaqo la’aan ku meel gaar ah ku dhacay
8. Iskoollo badan ayaa ku xirmay inta lagu jiray COVID-19 iyadoo khasaaro ba’an ay soo gaartay maamulladii Iskoolladaas.
Tallooyinka ugu muhiimsan ee ka soo baxay cilmi-baarista
Iyadoo la tixraacayo najiijadii ka soo baxday cilmi-baarista ayaa Xarunta Xayaat waxay soo jeedinaysaa tallooyinka soo socda:
1. Inta badan Iskoollada ma aysan laheyn qorsho ay uga hortagaan dhibaatooyinka soo wajaha waxbarashada, sidaas darteed, waxaan ku talinaynaa in Maamullada Iskoollada iyo Dalladaha ay layimaadaan qorsho ka hortag ah oo lagu xallinayo dhibaatooyinka waa weyn ee ku yimaada waxbarashada sida: COVID-19
2
2. Waxaan soo jeedinaynaa in Agaasinka waxbarashada Gobalka Banaadir ay diyaariyaan qorsho falcelin deg deg ah (Response plan) iyaga oo lakaashanaya Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka
3. Waxaan kula talinaynaa Dowladda Soomaaliya in ay taageero deg deg lagaarto waxbarashada asaasiga iyo midda sare oo dhaawac ballaaran soo gaaray si loo badbaadiyo jiilasha waxbaranaya
4. Waxaan soo jeedinaynaa in Iskoollada iyo dhammaan bahda waxbarasha ay horumariyaan nidaam waxbarasho oo ku saleysan tiknoollayijada casriga ah si looga fogaado in ay waxbarashadu markale istaakto
5. Si loo xoogijo tayada waxbarashada Soomaaliya, waxaan Wasaarada waxbarashada kula talinaynaa in ay kormeeraan dhaqangallinta manhajka waxbarashada
6. Xarunta “Xayaat” ee Cilmi-baarista iyo Tababbarada Hogaamineed waxay diyaar u tahay ay ka qaybqaadato fullinta iyo dhaqagallinta tallooyinka ku xusan cilmi-baaristaan.
Check Also
Waraysi Ku Saabsan Samaynta COVID -19 oo ku Yeeshay Waxbarashada Asaasiga iyo Midda Sarre
Waraysi VOA la yeelatay Agaasimaha Xarunta Xayat oo ku Saabsan Samaynta COVID – 19 oo …