Friday , 31 March 2023
Upcoming Courses

Dood-cilmiyeed ku saabsan Isbedallada Geeska Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Dooddan oo ay kaqaybgaleen 100 qof oo isugu jira maamulka iyo barayasha Jaamacadaha, Ganacsato, Siyaasiyiin, Xildhibaano , culimada diinta, haween iyo dhalin yaro ayaa waxa soo qaban qaabiyey Xarunta Xayaat ee cilmibaarista  & tababarrada hogaamineed ee fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho.

Aqoon yahanka kaqaybgalay doodda ayaa si weyn u lafaguray sababaha isbeddelka Geeska Afrika, Waxtarka  uu u leeyahay Soomaaliya iyo mashaakilka uga imankara Soomaaliya haddii aanay si wanaagsan u la falgelin, doood cilmiyeedkan ayaa xoogga lagu saaray sida ugu wanaagsan ee Ummadda Soomaaliyeed uga qaybqaadan karto islamarkaana uga faa’iideysan karto isdhexgalka iyo wax wadaqaybsiga ka billowday Geeska Afrika.

Ustd Mascuud Wehliye; Guddoomiyaha Xarunta Xayaat ee cilmibaarista  & tababarrada hogaamineed oo furay dood-cilmiyeedka ayaa carrabaabay sida uu ugu faraxsan yahay in kaadir iyo aqoon yahan badan ay kasoo qaybgaleen dood cilmiyeedkan, islamarkaana ay soo bandhigaan wixii aragti iyo cilmibaaris ah ee ay ka qoreen isbedelka ka dhacay Geeska Afrika.

“Nuxurka dooddu waa in ay qeexdo dabaylaha isbeddelka ee ka dhacaya Geeska Afrika Ummadda Soomaliyeed faa’iido miyaa ugu jirta mise dhibaato ayaa ugu jirta” waxa aan Xayaat ahaan dooneynaa in aan si cilmi ah aan u qeexno arrintaas.

Dr: Cabdirashiid Cabdi Ismaaciil oo ah bare sare oo cilmiga dhaqaalaha iyo siyaasadda kadhiga jaamacadda Helisinki ee dalka Finland ayaa dood cilmiyeedka ku billaabay  cilmibaaris kooban oo kusaabsan sababta Isbedallada iyo dabaysha Geeska Afrika.

Dr: Cabdirashiid ayaa yiri: “Sidii ay u timid aragtida la dagaalanka Argagixisada ee Mareykanka iyo xulafadiisa reer galbeedku ay horkacayeen kuna  mashquuleen dagaalkaas waxaa dhacay in Raashiya iyo China ay koraan dhaqaale iyo horomar weyna ay sameeyaan, Turkiga iyo China maalgashi iyo xiriirballaaran ayay  ka sameysteen Afriaka si gaar ah Geeska Afrika, taasi waxa ay Mareykanka tustay in saameyntiisa Geeska Afrika ay hoos u dheceyso ama ugu yaraan ay halisi ku wajahan tahay, sidaas awgeed waxa ay ahayd lama huraan in Isbeddelka Itoobiya dhaco kaddibna uu ku faafo Geeska Afrika

Dr: Cabdirashiid ayaa yiri: Dareenka xagga Amniga ah iyo welwelka nabadgelyadu kuma koobna Soomaaliya ee waxa uu wada quseeya dhammaan waddamada iyo shucuubta Geeska Afrika.

Dood-cilmiyeedka ayaa  lafaguray Haysashada Gobolka geeska Afrika (Regional super power)  iyo sida ay Dowladuhu ugu tartamayaan sidii ay u noqon lahaayeen awoodda iyo hormuud Gobolka ee hoggaanka, Siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka, aqoon yahanada kaqaybgalay dood-cilmiyeedka ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee Ra’iisulwasaare Abiy Axmed ula heshiinayo Ereteriya, Soomaaliya iyo Jibuuti ay tahay in uu sameeyo isbadbaadin siyaasadeed (Political survivor)  si uu u sameeyo in Itoobiya ugu yaraan ay sii ahaato hoggaanka Gobolka.

Maxamed Axmed Maxamuud Sayid oo Bare Sharciga kadhiga Jaamacadda Ummadda ayaa sheegay in 6 arrimood ay sababi doonto in Soomaaliya aanay si wanaagsan uga  faa’iideysan isdhexgalka iyo waxwadaqabsiga Geeska Afrika, sababahaas ayuu ku sheegay:

  1. Maqnaanshaha waxyaabaha Dowladda xoojiya sida sarreynta sharciga, Isxukunka wanaagsan iyo kusalaysnaanta Qabiilka
  2. Musuqa oo si xooggan ugu jira Nolosha
  3. Dagaalka aan kujirno ee ururada iyo kan dhexdeena
  4. Bulshada ganacsiga ee sameysmay muddada ay Dowlad la’aanta ahayn
  5. Waddamada dersika nala ah tusaale ahaan 1963 heshiiskii dhexmaray Itoobiya iyo Kenya waxa uu kusaabsanaa in isbaheysi ay yeeshaan Itoobiya iyo Kenya, heshiiskaas waxaa kujiray in Itoobiya iyo Kenya ay yeeshaan isdhexgal dhaqaale iyo mid dadeedba halka ay qorsheeyeen in  Soomaaliya ay noqo go’doon
  6. Iyo Waddamada reer galbeedka oo taageerada ay siinayaan Soomaalida ay tahay mid ku kooban meel ciriiri ah.

Maxamed Axmed Maxamuud Sayid ayaa yiri: “Abiy Axmed iyo Xayle Maryan Deselin (Haile Meriam Desaline) Waxa ay shaaciyeen in Bangiga dhexe ee Itoobiya uu xubeero yahay oo aan wax lacag ah kujirin sidaas awgeed Waddamo reer Galbeed ah oo Mareykanku u horreeyo ayaa Imaaraadka u diray farriin ah in ay 3 Bilyan oo lacag ah ay siiso Bangiga dhexe ee Itoobiya si loo badbaadiyo looguna sameeyo horumarin, ujeedku waxa uu ahaa in lacagta iyo dhaqaalaha oo Itoobiya oo hoos u socday laga badbaadiyo dhibkaas dhaqaale

Haddii uu dhaco isdhexgal sax ah (true integration) Soomaalidu waxa ay ka gelayaan meesha ugu sarreysa”

Xidlhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo kamid ah Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kaqaybgalay doodda ayaa yiri:

Labada walxood ee saldhigga u ah ilbaxnimada iyo noloshu meesha aan Soomaali ahaan adduunka uga naal ayay yaallaan

Mid waa Xiriir (Communication) midna waa Dhaqdhaqaaq (Mobility) dabaylaha kadhaca badweynta India oo aan qayb ka nahay waxa ay fududeeyeen isdhexgalka iyo ilbaxnimada, waxa aad ogtihiin kaalinta aan ku leenahay Soomaali ahaan Indian Ocean

Isbeddelka kadhacay Itoobiya kuma imaan xoog iyo dagaal ee waxa uu kuyimid maamulkii Tigreega oo ahaa qowmiyad laga tirada badan yahay  oo dadkiisii gacan bir ah ku qabtay si adagna u maamulay oo meesha kabaxay, isbeddelkaas waxa uu ahaa lagama maarmaan

Madaxaweynaha Eretria ayaa igu yiri waadnaan is ogeyn ee haddii aad u maleysaan in aad Afrika Seynta uga taallaan waxa aad u tihiin Afrika horyaal. Itoobiyana idinka ayay idin dabakacdaa ee ma ogidin:

1969kii ayaad kacdoon milateri sameyseen, Itoobiya oo caabudu jirtay Xayle salaase ayay rideen, waxa aad qaadateen Hantiwadaagga cilmiga kudhisan iyaga oo Mareykan la haysta ayay kategeen oo Midowgii Sofiyeeti, 1991 inqilaab nidaamkii ayaad riddeen iyaguna 3 bil kaddib ayay rideen, 20 sano waxaa haystay maamul tigree la yiraahdo oo ah kuwa laga badan yahay

Xildhibaan Sakariye ayaa intaas ku daray:” Soomaaliya hada ma qaadan karto isdhaxgal (Integration) suurta galna ma ahan, hadiisa arintaas la isku dayo waxaa ka dhalan kara dagaal

Dr Maxamed Xaaji oo kamid ah aqoon yahankii kaqaybgalay doodda ayaa sheegay in Soomaalidu haysato dhowr fursadood oo ay isbeddelka kadhacay Geeska Afrika kuwajihi karaan, waxaa uu sheegay in fursadahaas ay mid walba leedahay halisteeda, waxa uu yiri:

  1. Isdaadraacin oo u baahan xirfad iyo waaya-aragnimo
  2. Kahortegid oo aan maanta suuragal ahayn, sababtuna waa in aanay jirin awood dhaqaale iyo mid dadeed oo nagu caawin karta arrintaas
  3. Kafaa’iideysi oo ah tan ugu fiican uguna waxtarka badan, sida aan uga faa’iideysaneyno waxa ay u baahan tahay hay’ado Dowladood oo dhisan xoog leh yaqaanana meesha ay u socdaan.
  4. Muquurasho oo iyaduna u baahan xirfad weyn oo ka xooggan kana badan tan isdaadraacinta.

Sh Bashir Axmed Salaad ayaa si doo kale ku nuuxnuuxsaday in loo baahanyahay in Ummadda Soomaaliyeed ka faaiidaysato Isbedalkaan iyadoo laga faaiidaysanaayo Muslimiinta Geeska Afrika.

Natiijada ka soo baxday dood-cilmiyeedka

Kaddib muddo 4 saac ah oo dooddan cilmibaaristu socotay ayaa Xarunta Xayaat ee cilmi-baarista iyo tababarrada hogaamineed ka soo saartey arimaha soo socda:-

  1. Ka qeybgalayaasha doodda ayaa islagartey in dabeysha iyo isbedallada Geeska Africa uusan dhalin Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed , laakiin dabeysha nafteeda ay dhashay Abiy Axmed.
  2. Aqoonyahanka kaqaybgalay doodcilmiyeedku Waxa ay hoosta ka xariiqeen ayna welwel kamuujiyeen in Isbedelka Geeska Afrika uu saameyn xun kuyeelan karo guud ahaan mustaqbalka iyo Jiilka dambe ee Soomaaliyeed haddii aan si wanaagsan oo wax ku ool ah looga faa’iideysan, islamarkaana Dowladda Soomaaliyeed aysan ula dhaqmin isbedelka si feejigan.
  3. Aqoon yahanka kaqaybgalay doodcilmiyeedku waxa ay si weyn u muujiyeen in Dowlad ahaan iyo Ummad ahaan aanay dadka Soomaaliyeed  maanta u diyaarsanayn in ay isdhexgal la sameystaan Dowladaha Gobolka Geeska Afrika, balse ay la sameysan karaan Iskaashi iyo waxwadaqabsi
  4. Si looga faa’iideysto isbedellada Geeska Afrika waa in la xoojiyo xarumaha cilmibaarista islamarkaana dhammaan go’aanada iyo tallaabooyinka ay qaadeyso Dowladdu ee ku aaddan isbeddelladaan ay ku saleyso cilmibaaris iyo xaqiiqo
  5. Xoojinta iyo dhisidda hay’adaha Dowladda Soomaaliyeed si ay awood ugu yeeshaan la dhaqanka iyo lafalgalka isbedelka Geeska Afrika.
  6. In cilmibaaris rasmi ah laga sameeyo dhammaan Isbeddelka Geeska Afrika iyada oo la eegayo dhinacyada saameynta fiican iyo tan xun ee Isbeddelkani ku yeelan karo Soomaaliya.
  7. Xoojinta wadajirka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed si ay uga hortagaan si wadajir ah halis kasta oo uga imaan karta Isbedellada Geeska Afrika.

                                             Dhammaad

Xarunta Xayaat ee cilmi-baarista  & tababarrada hogaamineed

Check Also

Waraysi Ku Saabsan Samaynta COVID -19 oo ku Yeeshay Waxbarashada Asaasiga iyo Midda Sarre

Waraysi VOA la yeelatay Agaasimaha Xarunta Xayat oo ku Saabsan Samaynta COVID – 19 oo …